Top 10 Website free wax uga baran karto
barashada xirfado cusub waxay noqotay mid aad u fudud. Internet-ka ayaa bixiya fursado badan oo qof walba u ogolaanaya inuu wax barto isaga oo gurigiisa jooga. Haddii aad rabto inaad barato technology, business, design, ama xirfado kale, waxaa jira websites badan oo kuu ogolaanaya inaad si bilaash ah ku barato.
Qoraalkan waxaan ku soo bandhigayaa 10 ka mid ah websites-ka ugu fiican ee aad wax ku baran karto free, kuwaas oo kaa caawin kara inaad horumariso mustaqbalkaaga.
1. Coursera
Coursera waa mid ka mid ah platforms-ka ugu caansan ee waxbarashada online-ka ah. Waxay bixisaa koorsooyin ay diyaariyeen jaamacado iyo shirkado waaweyn. Inkastoo qaar ka mid ah koorsooyinka ay lacag yihiin, waxaad heli kartaa kuwo badan oo free ah. Waxaa si gaar ah looga baran karaa IT, business, iyo data science.
2. Udemy
Udemy waa website aad u weyn oo leh kumanaan koorsooyin ah. Waxaad ka heli kartaa courses ku saabsan design, programming, marketing, iyo xirfado kale. Inkastoo koorsooyin badan ay lacag yihiin, haddana waxaa jira qaar free ah oo aad si sahlan uga faa’iideysan karto.
3. edX
edX waa platform ay wada sameeyeen jaamacado caan ah sida Harvard iyo MIT. Waxaad ka baran kartaa xirfado badan oo casri ah sida computer science, engineering, iyo business. Waa meel aad ka heli karto waxbarasho tayo sare leh.
4. FutureLearn
FutureLearn wuxuu bixiya koorsooyin online ah oo diiradda saaraya xirfado casri ah. Waxaa ku jira casharro la xiriira technology, caafimaad, iyo business. Waa mid sahlan oo qof walba isticmaali karo.
5. Codecademy
Codecademy waa website ku habboon dadka raba inay bartaan programming. Waxaad ka baran kartaa HTML, CSS, JavaScript, iyo luqado kale. Waxbarashadu waa mid interactive ah, taasoo ka dhigeysa mid fudud in la fahmo.
6. Udacity
Udacity wuxuu diiradda saaraa xirfadaha technology-ga sida Artificial Intelligence, Data Science, iyo Programming. Waa platform aad u fiican haddii aad rabto xirfad casri ah oo shaqo kuu keeni karta mustaqbalka.
7. Khan Academy
Khan Academy waa mid ka mid ah websites-ka ugu fiican ee waxbarashada free ah. Waxay bixisaa casharro ku saabsan math, science, iyo computer. Waa mid aad ugu habboon ardayda iyo dadka bilowga ah.
8. Alison
Alison waa website bixiya koorsooyin free ah oo leh certificates. Waxaad ka baran kartaa business, IT, iyo xirfado kale. Waa meel fiican haddii aad rabto inaad hesho aqoon iyo shahaado labadaba.
9. HubSpot Academy
HubSpot Academy waxay bixisaa koorsooyin ku saabsan digital marketing, sales, iyo business. Waa mid aad u faa’iido leh haddii aad rabto inaad barato sida online looga shaqeeyo ama ganacsi loo hormariyo.
10. W3Schools
W3Schools waa website aad caan u ah oo lagu barto coding. Waxaad ka heli kartaa casharro fudud oo ku saabsan HTML, CSS, JavaScript, iyo wixii la mid ah. Waa mid aad ugu habboon beginners.
Gunaanad
Barashada xirfado cusub waa furaha guusha mustaqbalka. Websites-kan ayaa kuu fududeynaya inaad si bilaash ah wax u barato adigoon meel fog aadin. Waxa ugu muhiimsan waa inaad doorato meel aad ka bilowdo oo aad si joogto ah u barato.
Comments
Post a Comment