Tiktok sidee ku ogaaday waxa daremayso?
TikTok wuxuu noqday mid ka mid ah apps-ka ugu caansan dunida. Dad badan ayaa mararka qaar la yaaba sababta ay ugu soo baxaan videos si gaar ah ugu habboon waxa ay jecel yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad ka hadasho ganacsi, kadibna isla markiiba ay kuu soo baxaan videos badan oo business ah. Haddaba sidee TikTok algorithm-ku kuugu fahmaa?
Algorithm-ku waa nidaamka qarsoon ee go’aamiya videos-ka laguu soo bandhigayo. Ujeeddadiisu waa inuu ku tuso content aad jeceshahay si aad waqti badan ugu qaadato app-ka.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee algorithm-ku eegayo waa waxa aad daawato. Haddii aad video si buuxda u daawato, gaar ahaan haddii aad mar kale dib u daawato, TikTok wuxuu fahmayaa in noocaas content-ka uu ku xiise gelinayo.
Waxa kale oo uu eegaa videos-ka aad like saarto. Marka aad like ku dhufato video ku saabsan technology, business, ama entertainment, TikTok wuxuu kuu soo bandhigayaa videos kale oo la mid ah.
Comments-ka iyo shares-ka sidoo kale door weyn ayay ciyaaraan. Haddii aad comment ku qorto ama video aad saaxiib kuu share gareyso, algorithm-ku wuxuu si degdeg ah u fahmayaa waxa aad jeceshahay.
TikTok sidoo kale wuxuu eegaa search-kaaga. Haddii aad ka dhex raadiso app-ka erayo sida “online business” ama “technology tips”, wuxuu kuu soo bandhigayaa videos la xiriira.
Waxaa kale oo muhiim ah waqtiga aad ku qaadato nooc content ah. Haddii aad si joogto ah u daawato videos ku saabsan hal topic, algorithm-ku wuxuu u arkaa niche-kaaga.
Sidoo kale, TikTok wuxuu eegaa dadka aad follow gareyso. Haddii aad follow gareyso creators badan oo hal niche ku jira, wuxuu kuu kordhinayaa noocaas videos.
Gunaanad ahaan,
TikTok algorithm-ku wuxuu kaa fahmaa:
- Waxa aad daawato
- Waxa aad like saarto
- Waxa aad search gareyso
- Waxa aad comment ku qorto
Sidaas darteed, content-ka laguu soo bandhigo ma aha random, waa wax ku saleysan dhaqankaaga gudaha appka.
Comments
Post a Comment