Sababaha Mobilakagu ukuladado?
Dad badan ayaa la kulma xaalad uu mobile-koodu si degdeg ah u kululaado, xitaa marka ay isticmaal yar sameynayaan. Mararka qaar waxaad dareemaysaa in phone-ku kulul yahay marka aad social media isticmaalayso, video daawanayso, ama xitaa marka uu charger ku jiro. Su’aasha ugu weyn waa: maxaa sababa arrintan, sideese loo xaliyaa?
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn waa apps badan oo background-ka ka socda. Apps-ka qaar waxay sii shaqeeyaan xitaa marka aadan furin, taas oo ka dhigaysa processor-ka inuu si joogto ah u shaqeeyo. Tani waxay keentaa kulayl iyo battery degdeg u dhacda.
Sababta labaad waa storage buuxa. Marka mobile-ka uu xusuusta ka buuxsamo sawirro, videos, iyo apps badan, wuxuu noqdaa mid gaabis ah isla markaana kululaada. Waxaa fiican inaad si joogto ah u nadiifiso files aan loo baahnayn.
Sababta kale waa charging-ka qaldan. Haddii aad isticmaasho charger aan original ahayn ama charger tayo liita, phone-ku si fudud ayuu u kululaan karaa. Sidoo kale, isticmaalka phone-ka inta uu charger ku jiro, gaar ahaan marka aad video daawanayso ama game ciyaarayso, waxay sii kordhisaa kulaylka.
Battery caafimaad xumo sidoo kale waa sabab weyn. Haddii mobile-kaagu muddo dheer jiray, battery-gu wuxuu bilaabi karaa inuu daciifo, taas oo keenta kulayl badan.
Internet-ka iyo signal-ka daciifka ah ayaa sidoo kale sababi kara kulayl. Marka phone-ku uu si joogto ah u raadinayo network ama Wi-Fi, processor-ka wuxuu shaqeeyaa si xoog leh.
Sidee loo xaliyaa?
Marka hore, xir apps-ka background-ka ka socda. Hubi inaad mararka qaar restart sameyso mobile-ka.
Marka labaad, nadiifi storage-ka. Tirtir sawirrada iyo videos-ka aan loo baahnayn, una wareeji cloud ama memory card.
Marka saddexaad, isticmaal charger original ah oo tayo leh. Iska ilaali charger fake ah.
Marka afraad, ha isticmaalin phone-ka marka uu charger ku jiro, gaar ahaan games iyo videos.
Marka shanaad, updates samee. Software update-yadu waxay mararka qaar hagaajiyaan kulaylka.
Gunaanad ,
mobile-ku wuxuu u kululaadaa sababo badan sida apps badan, storage buuxa, iyo charger khaldan. Haddii aad raacdo xalalkan, waxaad si weyn u yarayn kartaa kulaylka phone-kaaga.
Comments
Post a Comment